Marakabkan oo ah markab nooca shidaalka qaada ah ayay kooxda Xuuthiyiinta Yemen weerareen gelinkii dambe ee Jimcihii shalay, kaas oo ku socdaalayay gacanka cadmeed.
Weerarkan lagu qaadey markabka shidaal ee ingiriiska ayaa waxaa ka hadley Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain iyadoona sheegtay in gantaalo lagu weeraray markabka Marlin Luanda, isla-markaana uu ku gubanayo meel ka yara baxsan Magaalada Cadan ee dalka yaman.
Hay’addan ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka uu ka dhacay meel udhaw Magaalada Cadan, iyadoona intaa ku dartay in dhacdadan lagu wargeliyay maraakiibta dagaalka ee isbahaysiga Mareykanka ee ku sugan gobolka, isla-markaana ay wadaan dadaalo ay ugu gurmanayaan markabka.
Wahiton oo ay u hadleen Saraakiisha Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijisay inuu gubanayo markabka Marlin Luanda.
Dhanka kale kooxda Xuuthiyiinta Yemen ee gacan saarka la leh shiicada iiraan ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, iyagoona caddeeyay in ciidankooda badda Yemen ay fuliyeen hawlgalka lagu bartilmaameedsaday markabkaasi.
Afhayeenka kooxda Xuuthiyiinta, Yahya Sariic ayaa sheegay in tiro gantaalo ahi lagu weeraray markabkaasi, xilli uu marayay Gacanka Cadmeed.
“Ciidamada Badda Yemen waxay fuliyeen hawlgal bartilmaameed ah oo lagu beegsaday markabka shidaalka ee Marlin Luanda ee laga leeyahay Britain.” Ayuu yiri Afhayeenka xuutiyiinta iiraan.
Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa yiri“Ciidamadayada ayaa weerarka u adeegsaday tiro gantaalo oo ku habboon bartilmaameedka. Weerarka wuxuu ahaa mid toos ah oo sababay in la gubo markabka.” Ayuu sii raaciyay Afhayeenka xuutiyinta ay taageerto shiicada iiraan.
Ka gadaal markii Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ay 12-kii bishan bilaabeen inay weeraro ka gaystaan dalka Yemen, ayay Xuuthiyiintu ku dhawaaqeen in danaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Bariga Dhexe ay yihiin bartilmaameed sharci ah.