Dhawaqa madaafiic ku hoobanaysa xarunta madaxtooyada magaalada Muqdisho ayaa laga maqlay qeyb kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir.
Tiro madaafiic ah oo ay rideen dagaalyahanada xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa la xaqiijiyay inay gudaha ugu dhaceen madaxtooyada Soomaaliya oo hoy u ah hoggaanka dowladda.
Lama hayo faafaahin ku saabsan madaafiic saakay lagu garaacat madaxtooyada oo dhawaan ay ka baxeen ciidamada shisheeye ee Atmis.
Marar badan ayay xarakada Alshabaab weeraro loo adeegsaday hoobiyayaal ku qaaday Villa Soomaaliya.