HomeAll newsXeer Ilaalinta Turkiga oo Dalbanaysa in Wiilka Xasan Sheekh Lagu Xukumo Xabsi.

Xeer Ilaalinta Turkiga oo Dalbanaysa in Wiilka Xasan Sheekh Lagu Xukumo Xabsi.

Mid kamid ah ragga uu dhalay madaxweynaha DF oo 40 sano jir ah, laguna magacaabo Maxmad Xasan Sheekh ayaa wajahaya dacwad iyo eedeymo culus kadib markii gaari uu watay uu jiiray nin mooto ku socday wado kamid ah wadankaasi Turkiya.

Xeer ilaalinta magaalada Istanbuul ayaa dalbatay in Maxamad lagu xukumo lix sano oo xarig ah.

Xasan Sheekh ayaa dhawaan khadka telefoonka kula hadlay ehelka Yunus Emre oo ah ninka uu shilka ku dilay wiilkiisa, waxaana uu ka codsaday iney cafiyaan, islamarkaana ka qaataan lacag badan oo u qalanta 5 qofood diyadooda.

Balse xeer ilaalinta ayaa ku heysata wiilka Xasan inuu dambi ka galay wadanka maadaama uu baxsaday islamarkaana uu dhuumaaleysi ku galay wadanka Imaaraatka carabta oo uu khilaaf kala dhaxeeyo Turkiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular