HomeAll newsWeerar Lagu Qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka Ceynul Asad ee Dalka Ciraaq.

Weerar Lagu Qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka Ceynul Asad ee Dalka Ciraaq.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday, in weerar Sawaariikh loo adeegsaday lagu qaaday xarun ay ku leeyihiin gudaha dalka Ciraaq.

Waxaa bayaan ay soo saareen ay ku sheegeen, in hal gantaal uu kusoo dhacay saldhigga ciidamada cirka Mareykanka Ceynul Asad ee ku yaalla dalka Ciraaq, kaas oo ay tilmaameen inuusan geysan wax khasaare ah.

11-kii Bishaam September ayay aheyd markii weerar loo adeegsaday sawaariikh iyo diyaarado Drone ah lagu qaaday laba saldhig oo uu Mareykanku leeyahay, kuwaas oo ku kala yaalla Suuriya iy Ciraaq.

Kooxo ka dagaallama dalalkaas oo taabacsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa marar badan weeraro ku qaaday xarumaha ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin labadaan dal, kuwaas waayadii lasoo dhaafay sii xoogeystay.

Dowladda Mareykanka ayaa maaro ula’ weeraradaan is daba joogga ah ee ay kala kulmeyso Maleeshiyaadkaan, waxaana marar badan ay ka dhaxashay khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray ciidamadeeda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular