
Dagaallo culus oo udhaxeeyay ciidamada xarakada Alshabaab iyo kuwa Atmis ayaa xalay ka dhacay meello badan oo katirsan gobalka shabeellaha hoose.
Dagaalada ayaa yimid markii dagaalyahanada Alshabaab ay mireen ciidamada Ugandha ee qeybta ka ah Taliska Atmis.
Meelaha la weeraray waxaa kamid ah saldhigyada Ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda ee degmooyinka Jannaale iyo Qoryooley.
Isla Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu weerar culus ku qaadeen xerada ciidamada shisheeye ee deegaanada Golweyn, Buufow iyo Laanta Buure.
Sidoo kale waxay xalay la miray saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid oo ah deegaan hoostaga degmada Afgooye.