Shir muddo sadax maalmood ah ka socday magaalada Adisababa, una dhaxeeyay dowladaha Masar iyo Itoobiya ayaa guul darro iyo fashil ku dhammaaday kadib markii ay labada dhinac isku afgaran waayeen arrinta biyaha wabiga Niil.
Shirkan oo muddo sadax goor ah horey usoo fashilmay ayaa ahaa kii afaraad ee noociisa, waxaana labada dhinac ay isku fahmi waayeen biyo xereenka ay Itoobiya sameysatay oo caqabad ku ah wax soo saarka dalka Masar.
Wasaaradda kheyraadka biyaha iyo waraabka ee Masar ayaa war-murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in aysan wax natiijo ah kasoo bixin shirka, taasina ay sabab u tahay dowladda Itoobiya oo ay ku eedeysay ineysan marnaba diyaar u ahayn in xal la gaaro.
Waxay intaa ku dartay in Itoobiya ay soo xertay waddo walba oo xal lagu gaari lahaa oo ku aadan biyo xereenka, sidaasi darteedna ay Masar ku qasbanaan doonto iney la socoto biyo xereenka iyo dhaqdhaqaaqiisa.
Wasaaradda waraabta ee Masar waxay xustay in xukuumadda Adisababa ay hor joogsatay xal walba oo dharci ah iyo mid walba oo farsamo oo ay soo bandhigeen khubarrada, iyadoo ku goodisay in ay il gaar ah ku heyn doonaan biyo xereenka.
Dhanka kale Itoobiya ayaa soo saartay bayaan jawaab celin ah oo ay kaga hadleyso shirka iyo mowqifkeeda, waxay sheegtay in Masar ay shirka la yimaadeen waxyaabo aanan u cuntami karin Xabashida, sidaasi darteedna aysan marnaba gorgortan ka geli doonin biyo xereenka ay dhisteen.
Itoobiya ayaa dhawaan dhameystirtay %90 boqolkiiba biyo xereenka Al-Nahda iyadoo billowday iney koronto ka dhaliso, haddana waxay wadaa buuxinta wareegga afaraad ee biyo xereenkaas.
Dowladda Masar ayaa marar badan hanjabaad jeedisay, mana jirin wax kasoo naasacaddaaday, haddana lama oga waxa kasoo kordhi doona hanjabaadeeda.
Khubarada milatarigu waxay sheegaan in Masaaridu ay awod u leeyihiin iney duqeymo dhanka hawada ah ku burburiyaan biyo xereenka, waxaana ay Itoobiya aad uga baqeysaa mar walba in xukuumadda Qaahira ay saldhig millatari ka hesho dalka Suudaan.
Dhanka kale Itoobiya ayaa aad ugu dadaaleysa iney kala disho wadamada Masar iyo Suudaan oo ah dalal dadkoodu Muslimiin yihiin, uuna maro wabiga Niil, waliba cidda ugu horreysa ee uu biyo xereenka Itoobiya halista ku yahay waa Suudaan oo lagu fasixi karo biyaha, lagana geysan karo dalkeeda intiisa badan fatahaado aan caadi ahayn.