Dwoladaha Itoobiya iyo Eratarea ayaa qarka u saaran inuu dagaal ku dhex maro xuduuda ay wadaagaan kadib markii labadii todobaad ee u dambeeyay ay kordhiyeen ciidamada ay ku daabulayaan xuduuda.
Eratariya ayaa xuduuda soo dhoobtay ciidan aad u farabadan oo wata gaadiidka gaashaaman, halka Itoobiya ay u dirtay ciidamadeeda Keydka iyo qaar badan oo kamid ah kuwa cirka.
Ilo wareedyo suxufiyiin ah oo u dhashay labada wadan waxay barahooda bulshada kusoo qorayaan in saacad walba la filan karo dagaal dhex mara xukuumadaha Asmara iyo Adisababa.
Khilaafka labada dowladood ayaa soo billowday markii uu Abiy Axmad heshiiska la saxiixda TPLF oo ay isaga iyo Erataria si wada jir ah ula dagaalamayeen.
Madaxweynaha Eratariya ayaa heshiiskaas u arkay mid khiyaano ah oo aan waxba laga weydiin xilli ciidamo ay uga dhinteen dagaalka, dhaqaale badanna uu uga baxay.
Madaxweynaha Eratariya ayaa diiday markuu heshiisku dhacay inuu ciidankiisa kala baxo waqooyiga Itoobiya iyo aagagii ay ka dagaalameen, maxaa yeelay qeyb kama ahayn heshiiska, mana heysto damaanad ah inaaney Tigre kusoo duuleyn hadduu askarta la baxo.
Xukuumadda Asmara waxay aad usii carootay markii uu Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Baarlamaanka ka sheegay inuu doonayo Bad iyo Dakad ay dadkiisu lahaadaan gaar ahaan uu qeyb ka rabo Badda Cas, arrintaas waxay keentay in Eratariya ay ka jawaabto.
Sidoo kale heerka xun ee ay labada dhinac kala taagan yihiin ayaa waxaa dibadda usoo bixiyay shirar caalami ah oo ay isku arkeen Abiy iyo Afwerki kuwaasoo aan marnaba wada fariisan.
Shirar ka dhacay Sucuudiga, Ruushka iyo Shiinaha, waxaa labada hogaamiye laga dareemayay ineysan wax qadarin ah isku hayn, waxaana ay kala dageen goobo kala fog, halka markii hore ay kulamo gaar gaar ah wada qaadan jireen.
Abiy Axmad waxa uu ku guul darreystay inuu soo afjaro colaadaha badan ee gudaha dalka kaga furan sida kan jabhadda OLA iyo midka jabhadda FANO, isagoo sidoo kale dagaal kaga jira Soomaaliya.