Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa warsxaafadeed kasoo saaray weerar culus oo maanta ka dhacay xerada Jalle Siyaad oo fadhi u ah taliska ciidanka lugta DF.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka waxaa la beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa DF oo goobta ku sugnaa kana mid ah askartii kusoo jabtay dagaaladii ka dhacay qeybo kamid ah Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud.
Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ugu yaraan 7 askari DF looga dilay weerarka loogana dhaawacay 16 kale iyadoo la sheegay in tiradu intaas ka badan karto.
Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu diray digniin culus oo ka dhan ah DF iyo shisheeyaha, waxaana uu sheegay inuu sii wadi doono beegsigooda.
HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA OO PDF AH
Assalama allaykum.
Waa cadaatay cida argagixo ah iyo cida mulimka sheegata ee lasacota gaaladda.
Isreal markay gumaadka caruurta iyo hooyada kabiloday qaza munaafiqii,
Meel uu ku gabado ayaa waayey, ilaa aan aragnay ayagoo khalkhalay oo waxay kabaqijreen ama qarinayeen, waa xaqee, kuhadaaqaya, ilaa ay ku sigteen inay dhahaan alshabaab waa xaqq udirir.