Camaliyad Nafhurnimo ayaa ka lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo ku sugnaa Kuliyadda Jaalla SIyaad ee Magaalada Muqdisho.
Camaliaydda oo Saaka dhacday Waxaa Mas’uuliaydeeda sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin o Dagaal kula jirta Shisheeyaha iyo Dowladda Federaalka ah iyo Maamulada ka farcama.
Qaraxa ayaa si weyn looga maqlay Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda qiiq ayaana cirka isku shareeray.
weli faah faahin dheeri ah kama anaan helin wixii Khasaare ah ee ka dhashay Qaraxa ee soo gaaray Ciidanka la beegsaday.
horay kuliyaddaan oo ah Xarun Ciidan waxaa uga dhacay Qarax ay ku le’deen CIidan ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyadoo ay jireen kuwa kale oo ku dhaawacmay aakhirkina eheladoodu sheegtay in la dayacay oo aanay daryeel Caafimaad helin.