HomeAll newsHOWL GALO LAGA KALA FULIYAY MUQDISHO IYO SHABEELAHA DHEXE.

HOWL GALO LAGA KALA FULIYAY MUQDISHO IYO SHABEELAHA DHEXE.

Askarta Al-Shabaab

Rag ka tirsan Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Maanta Degmada Kaxda ee Muqdisho ku dilay Ibraahim Xasan oo ahaa Askeri ka tirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka ah.
Isla Muqdisho Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Maanta Weerar ku ekeeyay Xarun ay Sirdoonku ku lahaayeen Suuqa Bakaaraha.
Xogtu waxay sheegeysaa in ugu yaraan Shan Jawaasiis ah la dhaawacay kuwaasoo goobta laga qaaday.

Geesta kale hal askeri oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka ah ayaa ku dhintay Degaanka Ceel Cali Axmed ee Gobalka Shabeelaha dhexe kadib markii uu haleelay qarax ay la beegsatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular