Ra’iisulwasaaraha DF Xamse Cabdi Barre ayaa handaday culimada ku nool magaalada Muqdisho ee ummadda ku barbaariya diinta isagoo ugu baaqay iney guryahooda fariistaan.
Xilli uu ka hadlayay meel madal ah oo ay joogeen qaar kamid ah wadaadaha kooban ee DF ayuu hadalkan ka dhawaajiyay isagoo u muuqday inuu dhiirragelinayo wadaadihiisa oo maalmihii lasoo dhaafay warbaahinada ka sheegay culeysyo amni oo ay la kulmeen.
Xamse ayaa si dadban u weeraray culimada ka hadashay qadiyadda Qudus iyo dhibaatada lagu hayo Muslimiinta reer Falastiin. “qaarkood meelaha kale waxa ka dhacay bey aad u buunbuuninayaan ma kitmaanul-cilmi baa, ma cabsiyaa. Culimadaasow waxaan dhihi lahaa guryihiina iska jooga idinka”.
Dadka qaar ayaa hadalka kasoo yeeray ra’iisulwasaare Xamse ku macneeyay mid muujinaya karti darrada wadaadaha DF ee lacagaha qaaliga ah ku dagan hoteelada Jazeera iyo Dikaale.
In badan oo kamid ah culimada Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in aan DF waxba lagu darsan karin maadaama ay ku dhaqanto xeerar kasoo horjeeda shareecada islaamka, dhanka kalana la socoto shisheeye.
Xamse, kulaylkaa taabtay marakan. Shabab diin kumahaysto ee wadanka raggii lahaa weeye. Asagase afrikaanka ayaa meesha ku haya. Ayaguna xoolaha soomalida, bad, buur ayo Bari waa daldalyaan inta uu ciyaalka soomaliyeed dagaal udiri Karo. Hadda ciyaalkii waa fahmeen oo duslayaan xagga. Alshabab Maxaa haray,? qashinkii uu kuhayey meesha sida democrats, suufiyo and munasfiin culumo lagu shergay. Waxa kadib kabtidaydii ma aragtay ayaa kadhici xamar. Mujaahidinta ayaa guushu raacasas insha Allah hadii ay SaaS ku socoto.