HomeAll newsDhegeyso Shir ka dhan ah Duqeymaha Maraykanka iyo Kenya oo ka dhacay...

Dhegeyso Shir ka dhan ah Duqeymaha Maraykanka iyo Kenya oo ka dhacay Bu’aale.

Kulan ay ka dhex Muuqdeen Hogaamiyaasha Beelaha Maxamed Subeyr, Ajauuraan, Dabarre, Cowlyahan, Bartire iyo Abas guul oo looga soo horjeeday Duqeymaha Maraykanka iyo kenya ka geysteen Magaalada Bu’aale ee Gobalke Jubada dhexe ayaa ka dhacay Isla Magaaladaas.

Kulanka ayaa aakhirkii laga soo saaray Bayaan looga Hadlayay Gardarada Maraykanka iyo Kenya ka wadaan Soomaaliya gaar ahaan Jubbooyinka iyadoo duqeymihii ugu dambeeyya ka dhacay Magaalada Bu’aale si gooni ah loo xusay.

Salaadiinta iyo Nabadoonadu waxya sheegeen in la beegsaday Dad Rayid ah iyo Guryihii ay Deganayaeen arintaasna qorsha ka dambeeya ay fahansan yihiin.

waxay sheegeen in ay u go;aanasadeen ina y iska kaashadaan Cadawga duqeynaya  asigoo adegsanaya Diyaaradaha Duuliye la’aanta ah.

Hogaamiyaasha dhaqanka ee Madasha joogay waxaa ka mid ahaa Suldaanka Beesha Maxamed Subeyr  Suldaan Cabdiqani Cabdullaahi iyo Ugaaska Bartire Ugaas Aaadan Maxamed  Buuti iyo Ugaaska Cowlyahan Ugaas Axmed Ugaas Cumar ugaas Qorane, Ugaaska Abas Guul Ugaas Maxamed Axmed Shide Ugaaska Beesha Ajuuraan Ugaas Muuse Maxamed Qalinle iyo Kusimaha Ugaaska Beesha Dabarre Nabaadoon Macalin Xasan iyo Nabadoono kale oo Jufooyinka qaar Madax u ah.

Halkaan ak dhegeyso SHirka Bu aale ee Odayaasha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular