Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hawlgallo xiriir ah ka fuliyay magaalada Muqdisho habeenkii xalay kuwaasoo lagu beegsaday xubno kala duwan oo ka tirsan DF.
Hawlgalka koowaad oo ka dhacay xaafadda Iga-dabagee ee degmada Dayniile ayaa waxaa lagu dilay askari ka tirsan ciidanka DF gaar ahaan qeybta lagu soo tababaray dalka Eretariya, laguna magacaabi jiray Iimaan Cali.
Muqdisho waxaa sidoo kale xalay qarax lagula beegsaday gudoomiye laameed ka tirsan maamulka Dayniile oo lagu magacaabo Cabdiraxiin, waxaana qaraxa ku dhaawacmay isaga iyo mid kamid ah ilaaladiisii.
Hawlgal kale ayaa waxa uu ka dhacay isla xalay degmada Xamarweyne kaasoo loo adeegsaday qarax. Qaraxa ayaa waxaa lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa DF oo joogay agagaarka hotelka Madiina.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhaawacmay 4 askari oo kamid ah ciidankii qaraxa lala beegsaday.
Hawlgal kale oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa lala beegsaday koontarool ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa DF oo ku sugnaa agagaarka Warshadii Tarraqa iyo Sigaarka.
Muqdisho waxaa kusii kordhaya hawlgallada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dhanka ah DF iyo ciidamada shisheeye.
War laabta muminka doonaya in dalka sharigu katalixo u roon ayaad saaka soo Saarinen.
Dalka Cid haday katalinayso waa idinka. Waa maqalnay cadaaladiina iyo unaxaxariisashada dadkiina, waliba kuwa sharciga ku hoosnool.ama wilaayada.
Shuuci waa aragnay, qabiil waa aragnay, dimoqraadi waa waa aragnay, hanadhaafaan.
Marakan waa shareeco iyo shabaab dalka lahaa.
Marakan waa shareeco iyo cadaalad. Marakan waa cadaalad.
Allahu, Akbar. Allahu, akbar. Allahu akbar. Subixii shareeco, maalintii shareeco, habeen kii shareeco.
Xamar waa ka bilaabatay, xamar waa kacararayaa xasan sheekh, siyaad ba kahuleel.
Xamar idinkaa leh, Ethiopia waa idin daawanaysaa. Xamarqabsada. Markaana waa lagu Kala tagin.