HomeAll newsDhegeyso Ehelada Askeri Dowladda Federaalku dayacday markuu dhaawacmay.

Dhegeyso Ehelada Askeri Dowladda Federaalku dayacday markuu dhaawacmay.

Dowladda Federaalka ah ayaa durba bilowday in ay dayacdo askarta dhawaan Dalalka kala duwan loogu soo tabbaray ee Imaaradku Tababarkooda Maal geliyay laguna wareejiayay Amniga Muqdisho.

Cumar Cabdullaahi Xasan waxaa dhaawacday dabley ku saf ah Dowladda uu ka tirsanaa Xaaladiisuna waa mid halis ah waxaana ehelkiisu sheegayaan in loo baahnaa intuu fayoobaa laakiin markii dhaawac halis ah gaaray banaanka loogu soo tuuray.

“Ninka haddow fayow yahay waa la rabaa,hadii wax soo gaaraan Cid daneyneysa malahan” ayuu yiri Mid ka mid ah Ehelada Askerigaan oo iminka loo la yahay wax lagu daweeyo.

Muqdisho iyo Meelo kalaba waxaa laga helayaa askarta badan oo Markii ay Dagalaada ku Naafoobeen Dowladda Federaalku Dariiqa uga tagtay kuwaasoo qaarkood aanay saxarada iyo kaadida cesha karin .

Aqoon yahano iyo indheer garad badan ayaa marar kala duwan ku baaqay in aan Ciidan loo noqon Mamaul Shisheeye la shaqeeya dadka u daacadda ahna dayacaya waxaana jira dad Waanadaas qaatay iyo kuwo warkaas aan u dhega yeelan laakiin ka shallaynaya wixii ay faleen.

Halkaan ka dhegeyso Warbixinta askeriga

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular