HomeAll newsSiyaasiyiin uu Kamid Yahay Shariif Sheekh Axmad oo Weeraray Xasan Sheekh.

Siyaasiyiin uu Kamid Yahay Shariif Sheekh Axmad oo Weeraray Xasan Sheekh.

Shariif Sheekh Axmad madaweynihii dowladdii kumeelgaarka ahayd, ra’iisulwasaarayaal hore iyo siyaasiyiin kale ayaa soo saaray warsaxaafadeed wadajir ah oo ka dhan Xasan Sheekh Sheekh.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in madaxweynaha DF uu ku xadgudbay ballamo ay horey u galeen isaga iyo siyaasiyiinta, ballamahaas oo ku qotomay qaabka doorashada soo socota, dastuurka iyo dhammeystirkiisa iyo inaan muddo kordhin la sameyn karin.

Waxay sheegeen in Xasan uu si ula kac ah ugu xadgudbay qodobadaas iyagoo uga digay inuu fowdo iyo jahwareer abuuro.

Xasan Sheekh ayaa Jimcihii lasoo dhaafay sheegay in dowladda ay yeelan doonto madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen isagoo markaa la yimid waxyaabo cusub, kuna daray hanjabaad ah inaanu cidna u joojin doonin.

Warsaxaafadeedka maanta soo baxay ayaa waxaa ku saxiixan xubno ay kamid yihiin, Shariif Sheekh Axmad, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamad Cismaan Jawaari, Xasan Cali Kheyrre, Cumar Cabdirashiid, Cabdiwali Sheekh Axmad, Cabdullaahi Cosoble iyo kuwa kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular