HomeAll newsFaah faahin Dhmaashada Cmaliyad Nafhurnimo oo Muqdisho ka dhacday

Faah faahin Dhmaashada Cmaliyad Nafhurnimo oo Muqdisho ka dhacday

Xarakada Shababul Mujaahdiin ayaa war Saxaafadeed ay ka soo saartay Qarax Nafhurnimo oo Xalay ka dhacay Muqdisho ku sheegatay  Mas’uuliyadda Qaraxa waxaanay hoosta ka xariiqtay in ay beegsatay Bar ay ku kulansanaayeen Saraakiisha iyo askarta Sirdoonka, Baliiska iyo Malatariga taasoo ku taal Degmada Boondheere.

Warsaxaafadeedka Taliska Gashaan dhiga ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaa lagu yiri:-

“Ciidamada Mujaahidiintu waxay caawa fiidkii camaliyad istish-haadi ah la beegsadeen saraakiil iyo
ciidamo ka tirsan kooxda ridada kuwaas oo ku sugnaa agagaarka madaxtooyada ridada ee
magaalada Muqdisho. Saraakiisha iyo askarta la beegsaday, oo iskugu jiray waxa ay ugu yeeraan
sirdoonka, jawaasiista dharcadka ah, booliska iyo milatariga kooxda ridada, ayaa halkaas u joogay
inay ilaaliyaan amniga xarumo muhiim u ah cadawga oo ku yaalla ama ka agdhaw goobta weerarku
ka dhacay, sida madaxtooyada, tiyaatarka fisqiga, godka jilicow iyo xarunta sirdoonka ridada”‘

Intaa kadib waxaa War Sxaafadeed looga hadlay Khasaaraha gaaray Dowladda Federaalka ah waxaana lagu yiri:-

“Camaliyada istish-haadiga ah ayaa – Allaah fadligiis – sidii loogu talagalay u beegsatay saraakiisha
iyo askarta cadawga ee bartilmaameedka ahaa, waxaana halkaas kasoo gaaray khasaare iskugu jira
dhimasho iyo dhaawac. Dhimashada hordhaca ah ee cadawgu waa 9 murtad oo halaagsantay iyo
dhaawaca 17 kale”.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay sheegtay in ay sii wadi Doonto weerarada iyadoo tiri:-

“Mujaahidiintu waxay wacad ku marayaan inay sii wadi doonaan beegsiga masuuliyiinta, saraakiisha
iyo ciidamada cadawga meel waliba oo ay ku suganyihiin, ayna sii labalaabi doonaan ugaarsiga ka
dhanka ah mujrimiinta iskugu jirta saliibiyiinta iyo murtadiinta duullaanka ku ah ku dhaqanka
shareecada Islaamka”.
Halkaan ka dhegeyso Warka Qaraxa 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular