HomeAll newsBoondheere: Weerar Nafhurnimo Ah oo Lala Beegsaday Goob Ay Ku Caweynayeen Sirdoon.

Boondheere: Weerar Nafhurnimo Ah oo Lala Beegsaday Goob Ay Ku Caweynayeen Sirdoon.

Weerar nafhurnimo ah ayaa ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho caawa fiidkii kaasoo lala beegsaday isku imaatin ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan sirdoonka DF.

Sida aan xogta ku heleyno, goobta la beegsaday oo ahayd xarun caweys ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil iyo ciidan kamid ah kuwa sirdoonka.

Weerarka oo uu fuliyay naftii hure ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in uu khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh uu gaaray xubnihii ay istish-haadiyadu beegsatay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular