Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in dagaalka mellatari ee ay reer galbeedku wadaan uu gabi ahaanba ka duwan yahay midkii ay xukuumaddiisa ku qaaday dalka Ukraine.
Faladamiir Putin oo ah madaxweynaha dowladda Ruushka oo tacliiq ka bixinayay talo bixin kasoo uu soo jeediyay Congresska Mareykanka oo ku aadaneyd in laga hortago dolwadaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa si kulul uga hadlay tallaabada ay wadaan dowladaha reer galbeedka ee ka dhankaa ah xukuumaddiisa.
“Ma aaminsani in fikraddaan ay tahay mid haboon, ama ay suuragal tahay iney kasoo fusho dad caqligoodu fadhiyo, balse haddii ay arrintaaan dhacdo waxay nagu qasbi doontaa inaan feejignaan dheeri ah la nimaadno” ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka oo ka fal celinayay warka kaasoo baxay Congresska Mareykanka.
Putin oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan u diyaarsannahay dagaaal, balse waxaan ka amba qaadaneynaa xaqiiqada ah inaan nabadda dooneyno, haddii ay reer galbeedku doonayaan iney dagaal la galaan Ruushka waa arrin wanaagsan, diyaar ayaana unahay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Geesta kale waxa uu Madaxweynaha Ruushka sheegay inuu fashilmay weerarkii iska caabinta ahaa ee ay dowladda Ukraine kusoo qaaday ciidankiisa, taas badalkeedana ay ciidankiisu sii wadaan howlgallada ay ka fulinayaan Mandiqadda Kharkov oo dhacda Bariga Ukraine, iyo Zabarojiya iyo Donatiska oo ah dhul ay leedahay Ukraine balse uu Ruushku xoog kula wareegay.
Warka Putin oo uu daabacay wabsite Russian Todey ee kasoo baxa Ruushka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in si kasto oo ay reer galbeedku taageero ugu muujiyaan Ukraine ay haddana dhan waliba ka fashilmeen waa sida uu hadalka u dhigaye, si gaar ahna weerarka isdifaacidda ah ee ay Ukraine kaga hor tageyso xukuumadda Moscow.
“Ciidankeenna waxa ay sii wadaan iney hagaajiyaan difaactada ay ku leeyihiin dhammaan jabahaaadka ballaaran ee ay kaga jiraan Ukraine, ayuu sidoo kale yiri Madaxweynaha Ruushka Falamadiir Putin.
Dhankiisa, Safiirka Hawlaha Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka, ayaa sheegay in reer galbeedku si dhow ula socdeen booqashadii hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu ku tagay Ruushka, halkaas oo ay kaga wadahadleen xadgudubka Moscow ee cunaqabataynta saaran Pyongyang.
“Waxay u muuqataa in booqashadii hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu ku tagay Ruushka ay ahayd mid lama filaan ku noqotay reer galbeedka, safarkiisii Bariga Fog ee Ruushkana waxaa ay ujeedadiisu aheyd si uu macluumaad uga helo eedaha beenta ah ee ku aaddan in Ruushku uu ku lug leeyahay cunaqateynta saaran Kuuriyada Woqooyi.” waxaa sidoo kale muuqata in reer galbeedku aysan wali helin wax cadeynaya xadgudubka Ruushka, cunaqabateynta lagu soo rogay Kuuriyada Waqooyi, ayuu wasiirka sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweynaha Kuuriyada Wqooyi ayaa bishii lasoo dhaafay waxa uu safarkiisii ugu horreeyay ee dabadda ah tan iyo sannadkii 2019-ka ku tagay dalka Ruushka, waxaana safarkaas ku wehlinayay haweeneyda ah wasiiradda arrimaha dibadda ee dalkaas, madax katirsan mellatariga iyo masuuliyiin sar sare oo katirsan xukuumaddiisa.