HomeAll newsMaxay DF uga Tacsiyay Waysay Ciidanka Baruujeed Looga laayay?

Maxay DF uga Tacsiyay Waysay Ciidanka Baruujeed Looga laayay?

Saraakiisha ku sugan Degmada Guriceel  ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ah la  wadaagay  dhimashada iyo dhaawaca  faraha badan ee Shalay Askarta ku gaaray Degaanka Baruujeed ee duleedka Magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud

Xafiisyada wasiirada iyo hotelada xildhibanadu degan yihiin iyo xarumaha kale ee dowladda ayaa laga hadal hayaa Ciidamada lagu laayay Degaanka Baruujeed waxaana ay la socdaan Barbaahinta Islaamiga ah ah oo iyadu xaqiiqada soo bandhigtay laakiinse Warbaahinta Dowladda Federaalka ah ayaa isku dayaysa in ay Qorraxda Sacabada ku dedo maxaa yeelay waxay dooneysaa in ay Umadda runta ka qariso.

Waxay sheegeysaa in ciidamadoodu is difaaceen keliyana ay dhaawacyo jiraan.

Marka ay sidaa oraneyso Musasada Alkataaib oo ah garabka Warbaahineed ee Xarakada Shabaul Mujaahdiin waxay Xalay faafisay sawirada meydad tira badan oo ka mid ahaa ciidamada ay shalay Xeryahooda ku dishay.

Waxa kale oo ay soo bandhigtay  lix Gaari oo ay kala wareegtay ciidamada ay weerarka ku qaaday .

Bayaan shalay soo baxay xarakada shabaabul mujaahdiin waxay ku sheegtay in  61 askeri ay ku dishay dagaalka  laakiin dadka Gobalka qaarkood o xog ogaal ah waxay inoo sheegeen in khasaaraha dhimashadu intaa ka badan yahay.

Marka laga soo tago askarta tirada badan ee Dagaalka lagu laayay waxaa  jira dhaawacyo badan oo qaar ay halis yihiin waxaana ka mid ah

1- Cusmaan Cali Hudeey taliyaha Booliska ridada ee degmada Guraceel.

2- Shaafici Jaamac Cabdi guddoomiye ku xigeenka maamulka ridada ee degmada Guraceel.

3- Axmed Dirir oo kamid ah saraakiisha maleeshiyaatka macawiisleyda Guraceel.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ayaana ka tacsiyeyn Ciidamada Baruujeed lagu laayay, Sababtoo ah taasi waxay soo banndhigeysaa am Muujineysaa in Ciidan badan la laayay bedelkeedana Dowladda Federaalku waxay rabtaa in ay Umadda ka gado in Ciidankeeda aan waxyeelo soo gaarin =, laakiin  Xarakada Shababaul Mujaahidiin ayaa fashileysa Geerida tirade Badan ee Ciidanka Federaalak gaaray maxaa yeelay waxay caan ku tahay in ay keento Muuqaalo iyo sawiro ka turjumayaa goobta la weeraray iyo Ciidamada ku le’day

Degaankaana baruujeed ee shalay subax weerarka lagu qaaday waa halka ugu dambeysay ee ee ciidamada dowladda federaalka ah kaga harsanaayeen duulaankii  Horay loogu qaaday Degaanada Nabdoonaa ee Wilaayada Galgaduud kana Madax banaanaa Dowladda Federaalka ah.

Halkaan ka dhegeyso Wabixinta Tacsi la aanta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular