HomeAll newsKu Dhawaad 10 Askari oo DF Looga Dilay Weeraro Ka Dhacay Hiiraan.

Ku Dhawaad 10 Askari oo DF Looga Dilay Weeraro Ka Dhacay Hiiraan.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay laba weerar oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Hiiraan galabnimadii Axadda ee maanta.

Weerarka koowaad oo ahaa dhabbagal ayaa ka dhacay degaanka Beera-yabaal oo u dhow magaalada Buuloburde.

Weerarkan ayaa waxaa lagu beegsaday ciidamo taabacsan DF oo socdaal ku jiray, waxaana la xaqiijiyay in laga dilay 5 askari lagana dhaawacay 4 kale.

Sidoo kale ciidanka milatariga Xarakada Al-Shabaab ee wilaayada Hiiraan ayaa kamiin kale u dhigay askar DF ka tirsan oo mareysay degaan lagu magacaabo Kala-beyr oo u dhow isla Buuloburde.

Inta la hubo waxaa weerarkan ku naf-waayay 3 askari halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Wadarta dhimashada labadan weerar ee ka dhacay Hiiraan ayaa ah 8 askari, dhaawacuna waa 10 kale.

 

RELATED ARTICLES

2 COMMENTS

  1. Asc bahda Radio alfurqaan, waxaan jeclaan lahaa inaad isiisaan meelaan idinkala soo xariiro, waxaan ahay wall doonaya inuu qayb ka noqdo difaaca shareecada Alle..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular