Warsaxaafadeed kasoo baxay goor dhow taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo babdhigay faahfaahin hordhac ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalkii saaka ka dhacay degaanka Burjeed ee wilaayada Galgaduud.
Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidankoodu ay saaka aroortii hore weerar kula jarmaadeen labo xero oo ay askarta DF ku lahaayeen degaanka Burjeed oo dhaca duleedka magaalada Guriceel.
Ciidan badan oo halkaas ku sugnaa ayaa u qeybsamay dhimasho iyo wax baxsada, waxaana laga furtay gaadiid dagaal iyo hub.
Tirada dhimashada hordhaca ah ee la xaqiijiyay waxay mareysaa 61 askari kuwaasoo intooda badan meydadkooda ay yaallaan goobtii lagu dagaalamay.
Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu xusay in Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen 4 gaadiid ah, waxaana la ballan qaaday tafaasiil wixii dheeraad ah ee dagaalka kasoo kordha.