HomeAll newsDF oo Ka Hadashay Sawir Duruuf Ka Muuqato oo Xasan Sheekh Laga...

DF oo Ka Hadashay Sawir Duruuf Ka Muuqato oo Xasan Sheekh Laga Soo Qaaday.

Tan iyo markii uu madaxweynaha DF gaaray dalka Eratariya waxaa aad loo hadal hayaa sawir looga soo qaaday wadankaas kaasoo laga dheehanayo in ay lasoo daristay duruuf adag.

Xasan oo markii hore sawirrada ay ka qaadaan warbaahintiisa la marsiin jiray fiiltar ayaa waxaa sawirro toos ah kasoo qaaday warbaahinta wadanka Eratariya, waxaana ay dadku la yaabeen sida uu xasan isku badalay mudadii lixdanka cisho ahayd ee uu joogay magaalada Dhuusomareeb.

Marka la isbabarbardhigo sawirka Xasan Sheekh ka hor inta uusan aadin Dhuusomareeb iyo marka uu kasoo guuray waxaa u dhaxeeya farqi weyn, waxaa ku baxay tinta, shaarbaha ayaa aad ugu weynaaday, wajigiisana miin badan ayaa soo kortay.

Dadka faallada ka dhiibtay ayaa siyaabo kala duwan u falanqeeyay sawirkan, qaar waxay u sababeeyeen dhafarka iyo guuldarrooyinka uu Xasan kala kulmay dagaalada, kuwa kalana waxay u sababeeyeen jahwareerka uu dagaalka kala kulmayo.

Sidoo kale waxay siyaasiyiinta qaar sawirka madaxweynaha DF ku tilmaameen mid ka marqaati kacaya iney cuqubo ku dhacday, halka kuwa kale ay leeyihiin waxa odayga ka muuqda waa jilliin uu saaxibayaashiis ku doonayo inuu ku beer laxawsado.

Hase ahaatee markii ay hadal heyntu badatay, waxay madaxtooyada Muqdisho soo saartay war ay arrintan uga hadleyso kaasoo lagu sheegay in sawirka duruufta ka muuqato ee Xasan uu muujinayo dadaal iyo mas’uuliyad, waxaana warkan lagu qiray in uu maray xaalado dhafar iyo murugo ah.

Xasan Sheekh mudadii uu joogay Dhuusomareeb wuxuu maray sadax baaritaan oo dhanka caafimaadkiisa ah kuwaasoo mid kamid ah uu ku maray dalka Jabuuti oo uu kula soo kulmay dhaqtar Faransiis ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular