Khasaaraha ka dhashey howlgalka weli socda ee Duufaanta Al-Aqsaa ayaa sii kordhaya marba marka ka dambeysa, tirada dhimashada ayaana hadda gaartay inkabadan 350 Yahuud ah, halka dhaawacyaduna ay ku dhowyihiin 2000 oo qof.
Ciidamada Muqaamawada Filastiiniyiinta ayaa weli ka howlgalaya deegaannada dhaca xeyndaabka Qazza, halkaas oo ay gaareen maalintii shalay.
Kooxaha Muqaamawada ayaa weeraro horleh waxay ku qaadayaan deegaannada xooga lagu dejiyay Yahuudda, waxaana lasoo warinayaa in ciidamo horleh ay ka gudbeen Qazza.
DEG-DEG: Dagaalyahanno gudaha usoo galay deegaanka Mafkiim ee koonfurta Casqalaan ee Filastiin ayaa dilay 15 Yahuudi ah, iyagoo nolosha ku watay qof kale oo maxbuus ah.
Dhinac kale, weerar ka dhacay gobolka Seynaa ee wuqooyiga Masar ayaa lagu dilay 2 ruux oo Yahuud ah, kuwaasoo dalxiisayaal ah.
Weerarka waxaa geystay sarkaal Masaari ah, kaasoo sida muuqata weerarkiisa xiriir la leh xaaladda ka taagan Filastiin.