Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa 03-dii Octobar 1993 ka dhacay dagaal taariikhda galay, oo lagu jebiyay ciidamada Shisheeyaha Maraykanka oo horboodayay huwan Shisheeye ah oo kusoo duuley dalka Soomaaliya.
30 sano kahor, ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ku dagaallamay ciidamo Ameerikaan ah iyo shacab Soomaaliyeed oo ay horboodayeen dhalinyaro Mujaahidiin ah oo uu hogaaminayay Sheekh Cabdullaahi Axmed Sahal.
Inkastoo Maraykanku sheegtay in dagaalkii 03-da Octobar looga dilay 18 askari Ameerikaan ah, hadana tirakoob ay sameeyeen raggii dagaalkaas ka qeybgalay waxay ku sheegeen in inkabadan 80 askari lagu dilay dagaalkaas, sidoo kalena lagu soo riday labo diyaaradood oo nooca Black Hock ah.
Hadaba, sidee buu u dhacay dagaalkaas, maxaana ku kallifay Maraykanka in 30 sano kadib uu ka aarguto caruurta iyo haweenka Soomaaliyeed.
Halkan ka dhagayso Sidee buu h dhacay dagaalkii 03-da October 1993