Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa habeenkii xalay duqeyn arxan darro ah u geystay magaalada Ceelcadde ee gobolka Gedo kadib markii ay soo duqeysay Bu’aale isla xalay.
Halkan waxaan idiinkugu soo gudbineynaa sawirrada duqeynta Ceelcadde kuwaasoo muujinaya burbur baaxad leh. Inkastoo duqeymaha labada magaalo aysan sababin khasaare nafeed, haddana waxaa ku burburay hanti badan oo isugu jira guryo iyo gaadiid.
Ceelcadde ayaa noqotay halka ugu badan ee ay Kenya duqeyso, waxayna u muuqataa sida falastiin oo kale halkaasoo Yahuudu ay si joogto ay u beegsato.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA CEELCADDE