HomeAll newsDhegeyso Xasan Sheekh oo culays dhanka Amniga ah ku haya reer Dhuuso...

Dhegeyso Xasan Sheekh oo culays dhanka Amniga ah ku haya reer Dhuuso Marreeb

Culeys weyn oo Xagga Amniga ah ayaa haysta Dadka ku dhaqan Magaalada Dhuuso Marreeb ee Gobalka Galgaduud  kadib markii halkaa mudda sii horeysay uu fariisin ka dhigtay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamadii joogay Magaalada ayaa kuwo kale lagu kordhiyay iyadoo jidadka qaar biro waaweyn oo hor leh lagu gooyay arintaas oo saameysay isu socodka Bulshada.

goobaha ganacsiga iyo waxbarashada ayaa ka mid ah Meelaha culayska amni wajahaya waxaana reer dhuuso Marreeb Dalbanayaan in Madaxweynuhu ka guuro Magaaladadooda si ganacsigoodu u soo noqdo.

dhawaan ayay ahayd Markii Xarakada Shabaabul Mujaahidiin qaraxyo la beegsatay Xarunta Madaxtooyada ee Dhuuso mareeb oo uu ku sugnaa Xasan Sheekh Maxamuud halkaa oo saraakiil iyo askaru ku le’deen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Halkaan ka Dhegeyso Warka Amniga Dhuuso Marreeb.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular