Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysiga ku haysato ayaa sheegaya in lasoo gabagabeeyay kulan looga arrinsanayay colaad waayahan ka dhaxaysay beelo walaalo ah oo wada daga waqooyiga gobolka Mandheera.
Kulanka oo ay goob joog ahaayeen culimo iyo odayaal dhaqameedyo islamarkaana socday muddo 3 maalmood ah ayaa waxaa lagu falanqeeyay colaada iyo sida lagu joojin karo.
Halkii dadkan khilaafkooda lagu xallin lahaa kitaabka iyo sunnaha ayuu maamulka Mandheera sheegay in lagu xallinayo xeer Soomaali iyo xeerar kale, taasoo horey u fashilisay heshiis kan oo kale ahaa oo beelahan loogu qabtay halka loo yaqaano Ceel-raamo.
War kasoo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in laba todobaad kadib loo kuurgeli doono dhibaatooyinkii beelaha kala gaaray.
Qaar kamid ah culimada iyo waxgaradka ayaa bishii lasoo dhaafay shaaciyay in dagaal beeleedyadu ay sabab u yihiin siyaasiyiin daneestayaal ah iyo saraakiisha dowladda dhulka heysata ee Kenya.