HomeAll newsDhegeyso Waaliga Banaadir oo ka hadlay Weerarkii kaxda ee Khasaaraha badan sababay.

Dhegeyso Waaliga Banaadir oo ka hadlay Weerarkii kaxda ee Khasaaraha badan sababay.

Waaliga Wilaayada Banaadir Sheekh Muuse Cabdi Carraale ayaa ayaa si qota dheer  uga hadlay Weerarkii Habeen hore lagu laayay qaar badan oo ka tirsanaa Askarta Dowladda Federaalka ah oo ku sugnaa Muqdisho laguna burburshay Saldhiga Degmada kaxda iyaadoo weerarkaa lagu daah furay Camalaiyada Nafhurnimo.

waxa kale oo uu soo hadal qaaday qaaday Qarax kale oo Nafhurnimo oo Shalay ka dhacay Isla gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada warshadaha asigoo tilmaamay in labada weerarba Khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay Dowladda Federaalka ah.

Sheekh Muuse Cabdi Carraale oo ay wareysatay Idaacadda ku hadasha Afka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Al’amdalus waxa uu carrabka ku adkeeyay in Ciidamada  Xasilinta loogu yeero oo  kuwa ay laayeen ka mid ahaayeen ay dhibaato ku hayaan shacabka Muqdisho.

wuxuu si adag u lafa guray Siyaasadda Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Duulaanka uu ku qaaday Degaano nabdoonaa oo ka tirsan Wilaayaadka Islaamiga ah.

Halkaan ka dhegeyso Wareysiga Sheekh Muuse Cabdi Carraale

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular