Sheekh Yuusuf Kaba kutukade waaliga wilaayada Islaamiga ee Sh/dhexe oo wareysi siiyay warbaahinta afka xarakada ku hadasha ee al andalus ayaa faafahain dheeraad ah ka bixiyay howgallo ka dhacay shabeellaha dhexe.
Kabo kutukade ayaa sheegay 24 Askari oo katirsan ciidamada dowladda ay ku dileen qaraxyo iyo dagaallo ka dhacay duleedka degmada Ruunirgood ee wilaayada Sh.Dhexe.
Dowladda xasan sheekh ayaa ku dhawaaqday inay bilowday wajiga labaad dagaalka ka dhanka ah Xarakada Alshabaab.
Kabo kutukade oo ka hadlayay wajiga Labaad ee dagaalka ayaa xusay inuu mari doono halka uu maray wajigii koowaad oo dowladu ay ku fashilantay.
“Wajiga hore hadduu fashilmay kan ayaa ka darnaan doona,waxaana la joogaa waqtigii ay Diyaaradaha baalasha ka qabsan jireen”ayuu YIri kabo kutukade isago dhinaca kale tilmaamay inay ogaadeen hubka Culus iyo gaadiidka loo diiday inay ku howlgalaan ciidamada dowladda si aysan ugu gacan galin xarakada shabaabul mujaahidiin.