Ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa cagta mariyay isbaaro ciidamada JUbbaland u taalla degaanka Geedweyne oo 35 u jira degmada Doolow.
Kanaalka wararka ee Al-kata’ib ayaa soo gudbiyay muuqaal cadeyn u ah weerarkaas oo dhacay todobaadkii lasoo dhaafay.
Waxaa la arkayaa meydka taliyihii sirdoonka ee degaanka iyo askari ilaalo u ahaa. Sidoo kale waxaa la arkayaa gudoomiyaha degaanka oo sheegaya iney isdifaaceen.
Qeybhaa dambe ee muuqaalka waxaa lasoo bandhigayaa 2 gaari oo weerarka lagu soo furtay, hub, rasaas iyo agab kale.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa wararkeeda dagaalada ku xoojisa caddeymo muuqda, halka DF ay wararkeeda ku xoojiso qoraallo.