HomeAll newsAl-Shabaab oo Xalay Weeraray Xabashida Heysata Xudur.

Al-Shabaab oo Xalay Weeraray Xabashida Heysata Xudur.

Ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay mowjado weeraro ah ku qaaday askarta Xabashida ee heysata maalada Xudur ee gobolka Bakool

Wararka naga soo gaaraya Xudur waxay sheegayaan in weeraradu ay si toos ah u beegsadeen xeradii ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiyaanka.

In muddo ah waxaa la is weydaarsanayay hubka culus iyo midka fudud sida ay ay inoo sheegeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaaladan, inta badan waxyeellada gaarta ciidamada Itoobiya waxay bulshadu ka dareentaa dhaqdhaaq ay sameeyaan dhacdada kadib iyo diyaarado usoo daga kuwaasoo qaada meydadka iyo dhaawacyada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular