HomeAll newsKudhawaad 100 ku dhimatay Dab ka kacay Keymo ku yaala Maraykanka.

Kudhawaad 100 ku dhimatay Dab ka kacay Keymo ku yaala Maraykanka.

 

Dabkan oo si gaar ah kaga dhacay keymaha Jaziiradda Maawaay ayaa waxaa lasoo warinayaan in tirada dhimashada ay gaartay 67 ruux, kadib baadi goob muddo qaatay oo soo gaba gaboobay.

Dabka ayaa la sheegayaa inuu si dhaqsi ah ugu fidey keynta, taas oo sababtay khasaare baaxad leh oo soo gaaray dadka iyo duunyada intaba.

Masuuliyiin American ah ayaa sheegay, in howlagallada lagu baadigoobayo dadka la la’yahay ay qaateen muddo badan, walina loo baahan hayay kuwa dheeri ah, iyagoo intaa ku daray, in 1,000 dhismayaal ah uu dab’ku baabiyay, kuwaas oo muddo sanado ah qaadan iyo lacago balaayiin doollar ah ay ku bixi doonto dib u dhiskooda, waxaana inraa dheer in kumannaan ruux ay ku barakeceen musiibadaan.

Musiibooyinka Rabaaniga ayaa ku badan dalka Maraykanka, waxaana ugu wacan dulmiga iyo xadgudubka ay dowladan ka wado caalamka, kaas oo saameeyay gaal iyo muslimba, walow ay dhibaatadu ku badantahay Muslimiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular