HomeAll newsAskar Lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho. .

Askar Lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho. [FAAHFAAHIN].

Waa ciidamo katirsan Dowladda federaalka oo ku sugan goob uu qarax ka dhacay- Muqdisho.

Duhurnimadii maanta qarax culus ayaa ka dhacay xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaasoo lala eegtay ciidamada Booliis Millitaro ee qaabilsan sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo ka hortaga weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qaraxa waxa lala eegtay gaari ay wateen ciidamada, waxaana ka dhashey khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada lala beegsaday.

Ugu yaraan 5 askari oo uu ku jiro taliye hal xidigle ah oo lagu magacaabi jirey Cabdi Xamiid ayaa lagu dilay qaraxa, halka sidoo kale lagu dhaawacay 6 kale.

Dhinac kale, howlgal ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Kaaraan waxaa lagu dhaawacay askari dharcad ah oo lagu magacaabo Haari.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular