HomeAll newsDF oo Qabatay Shir Ammaanka Xamar Ku Saabsan Kadib Weerarkii Cali Turcaaye.

DF oo Qabatay Shir Ammaanka Xamar Ku Saabsan Kadib Weerarkii Cali Turcaaye.

Maamulka gobolka Banaadir ee DF ayaa qabtay shir ay isugu yimaadeen dhammaan laamaha ammaanka oo looga hadlayay ka hor tagga weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dhaca caasimadda.

Weerarkii Cali Turcaaye

Shirkan oo ahaa mid degdeg ah oo aan horey loo sii shaacin ayaa waxaa uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay cagta mariyeen xero ay ku sugnaayeen askar ka tirsan DF oo ku taalla xaafadda Cali Turcaaye oo ka tirsan Suuqa Xoolaha.

Mas’uuliyiinta shirka kasoo muuqday waxaa kamid ah gudoomiyaha Banaadir Yuusuf Jimcaale, Taliyaha Booliska, Sulub Axmad Firin iyo kuwa kale. Qodobada laga niqaashay waxaa kamid ah sababta uu u dhacay weerarkii Cali Turcaaye iyo kii ka horreeyay ee Kulliyadda Jaalle Siyaad.

Kulanka kadib, qaar kamid ah xubnihii ka qeyb galay ayaa saxaafadda u sheegay in aad loo gorfeeyay wax ka qabashada ammaanka Muqdisho iyo kororka maandooriyaha.

Maandooriyaha ayaa kasoo dega dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan hey’ado shisheeye oo dowladdu sheegtay iney ku kalsoon tahay.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular