HomeAll newsAskari Lagu dilay Muqdisho iyo Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Askari Lagu dilay Muqdisho iyo Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose.

 

Waxaa goordhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu dilay askari katirsan ciidamada Booliiska Dowladda federaalka.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay askari lagu magacaabo Cabdi Salaan Cali, xilli uu ku sugnaa xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa.

Warar la helayo waxay tilmaamayaan in askari kale oo la socday askariga la toogtay uu goobta isaga cararay markii uu arkay iyadoo ay meel dhow uga soo baxeen rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhina kale, qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha Uganda.

Kolonyada qaraxa lagu weeraray waxay ka baxeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, inta la xaqaiijiyay 1 askari ayaa dhintay, halka mid kalena uu dhaawacmay, iyadoo goobta uu ku basbeeley gaari nooca xamuulka ah.

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular