Deegaannada Jiidda Qazza ee ay go’doominta daran sanadaha dheer ku hayaan Yahuudda ayaa dadka ku nool waxay xilligan la jooga ka cabanayaan korontada oo si maalinle ah uga go’da, waqtiya dhaadheerna maqnaata, xilli uu jiro kuleyl daran oo saameyn ku haya dadka, aadna loogu baahanyahay korontada si loo isticmaalo qalabyada wax qaboojiya.
Reer Qazza ayaa hadda aad uga cabanaya arinkan, waxaana cabashadooda aad looga dareemayaa baraha bulshada, iyagoo tilmaamaya in loo baahanyahay in la shido oo la howlgeiyo matooro kale, xisaabtanna la kulanto shirkadda korontada bixisa ee Jiidda Qazza.
Waxaa haatan shirkadda korontada ee Jiidda Qazza isticmaashaa ugu yaraan saddex matoor oo dab dhaliye oo waaweyn, dadka reer Qazza ayaana soo jeedinaya in loo baahanyahay in la shido matoor afaraad, si loo helo dab dheeraad ah, meeshana uga baxdo saacadaha badan ee ay korontadu maqnaato.
Sida ay tilmaamayaan dadka xog ogaalka ah, shiditaanka matoorakan afaraad ayaa horseedaya in la helo dab dheeraad ah oo cabirkiisu gaarayayo 20 megawatt, kaasoo ka dhigan in 8 saacadood oo xiriir ah ay reer Qazza helayaan koronto nadiif ah, iyadoo weliba ay suuragal tahay in la kordhiyo mararka qaar qeyb kamid ah saacadaha habeenkii.
Halkan ka dhagayso warbixin ka hadleysa koronto la’aanta ka jirta Jiidda Qazza.