HomeAll newsBuug cusub oo ka sheekeynaya gumeysiga Hindiya ee Kashmiir.

Buug cusub oo ka sheekeynaya gumeysiga Hindiya ee Kashmiir. [WARBIXIN]

Maqaal lagu daabacay wargeyska Middle East Aye ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa waxaa looga hadlay buug cusub oo dhawaan soo bixi doona, kaasoo looga hadlayo taariikhda gumeysi ee Hindiya ay ku heyso gobolka Kashmiir oo ah gobol ay Muslimiintu leeyihiin.

Warbixintan ayaa looga sheekeynayaa nuxxurka buug cuusb oo ay qortey haweeney muslimad ah oo kasoo jeeda gobolka Kashmiir taasooo lagu magacaabo Xafsa Kanjawaal, waxaana buuga uu si faafaahsan usoo bandhigayaa sida hadallada cunsuriga ah ee dowladda Hindiya madaxdeedu jeediyaan uu horseed ugu noqday in gumeytuhu cagaha dhigaan gobolka Kashmiir.

Buugan oo loogu magacadaray Gumeysiga Kashmiir, wuxuu qiraa’a saldhigan kasoo gudbinayaa xaaladda gobolka Kashmiir iyo taariikh ahaan sida uu kusoo billowday gumeysiga gobolkan ay dowladda Hindiya ku heysato, waxaana uu muhiim u yahay qof weliba oo doonaya in wax badan uu ka ogaado xaaladda Kashmiir, sida warbixintu tilmaameyso.

Xafsa ayaa bare ka ah jaamacad ku taalla dalka Maraykanka, waxayna muxaadaraad ku saabsan taariikhda koonfurta Asisa siisa ardeyda jaamacad ku taalla gobolka Benselvenia, iyadoo sidoo kale xubin ka ah majmuuco loogu magacdaray Kashmiir oo isku howshey iney soo gudbiso wadciga guud ee ka jira gobolka Kashmiir iyo xaaladda ay wajahayaan muslimiinta.

Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan buuga cusub.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular