HomeAll newsTaliye & 11 Askari oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Sh/Dhexe.

Taliye & 11 Askari oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Sh/Dhexe.

Ciidamo ka wada tirsan DF ayaa habeenkii xalay dhexdooda ku dagaalamay duleedka degmada Masaajid Cali Gaduud ee wilaayada Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa dhex maray laba ciidan oo wadata gaadiidka dagaalka waxayna ooda isaga qaadeen rasaas wixii ay heysteen, taasoo keentay dhimashada 12 uu ku jiro nin taliye ah.

Iska hor imaadkan ayaa waxaa u sabab ahaa kala shaki soo kala dhex galay ciidamada sida ay saraakiisha qaar sheegayaan. Ciidanka ayaa midba kan kale mooday askarta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Taliyaha ku dhintay dagaalka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Kabtan Maxamed Axmed Abshir, wuxuu ahaa taliyihii ururka 2-aad guuto jacbur ah oo dhawaan la sameeyay kana kooban ciidan dibadda lagu soo tababaray kuwa laga soo saaray qaar kamid ah furimaha Sh/hoose.

Sida aan xogta ku heleyno askarta dhaawacantay ayaa waxaa la geeyay isbitaalka degmada Cadalle ee gobolka Sh/dhexe. Ciidamada DF ayaa ah kuwa mar walba u toog-haya weerar uga yimaada ciidanka Xarakada Al-Shabaab, waana midda keeneysa in dhexdooda ay iska shakiyaan.

Ciidanka uu khasaaraha ugu badan gaaray ayaa ah kuwa ka baxay Muqdisho oo doonayay iney Galcad gaaraan iyagoo isticmaalaha wadada xeebta, halka qeyb kale ay kasoo bexeen Caligaduud kuna jeedeen jihada caasimadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular