Gen. Zakiyo Xuseyn oo ah taliye kuxigeenka ciidanka Booliska DF ayaa qirtay in askartu lacago baad ah ka qaadaan dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Iyadoo wareysi siineysay warbaahin maxalli ah oo ku taalla gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyay sababta ay ku dhacday arrintaas gaar ahaan in Boolisku ay dadka ku qasbaan iney bixiyaan baad, haddii kalana ay ku amraan ineysan wadada marin oo kala wareegaan, waxayna ku jawaabtay:
“Horta wax waa ka qabanaa, ciidanka booliska kaliya ma ahanee waa ciidanka qaranka si guud ahaanba, Buliisna sidiisaba, horta askari buliis ah muxuu yahay, waa qof bulshada laga keenay tababar gaar ah la siiyay kadibna bulshada lagu celiyo, buliiska mar walba wuxuu dareen sanyahay inuu bulshada ka dhax tirsan yahay, marka wuu uga dhow yahay, maadaama uu bulshada uga dhow yahay wuxuu dareemaa inuu bulshada wax weydiisan karo”ayay tiri.
Zakiyo ayaa intaa ku dartay in aysan wax dhibaato ah u arkeynin in askartu ay dadka shacabka ah ka qaataan 2 doolar iyo 3 doolar, hadalkan oo ah mid sii dhiira galinaya baada iyo dhibaatada lagu hayo bulshada siiba kuwa magaalada Muqdisho.
Dhanka kale waxay sheegtay hadal kaa kasoo hor jeeda oo ah in ay tallaabo ka qaadayaan askarigii ay ku arkaan iney gacmagacmeysanayo dadka shacabka ah.Mar kale waxay tilmaantay in ciidamadu ay qaataan mushaar aan ku filnayn, kuna nool yihiin duruufo adag.
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca toogashooyin ay askartu u geystaan dadka rayidka ah kadib markii ay bixin waayaan lacagaha baada ah ee ay ka doonayaan.