Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro muran ku aadan kheyraadka badda oo ka dhaxeeya dalkiisa iyo Soomaaliya, xilli ay dowladdiisu horey u heshay dhulbadeed ay leedahay Soomaaliya oo ay u xukumeen ICJ.
Ruto ayaa khudbad uu bishii lasoo dhaafay ka jeediyay dalka Jabuuti ku sheegay arrintan, wuxuuna si cad u tilmaamay in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu wado dadaalo diblumaasiyadeed oo uu ku sheegay inuu ku xallinayo Soomaaliya iyo Kenya.
Khudbadda Ruto oo la qarinayay muddo dhowr maalmood ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay hawada lasoo geliyay, waxaana muuqanaysa in Kenya ay wali dooneyso in ay hesho dhul badeed hor leh oo ay Soomaaliya leedahay si ugu dambeyntii ay u qaataan beriga qeybo kamid ah Jubbada Hoose oo ay aqoonyahanadoodu marar badan sheegeen iney ka fakarayaan sidii ay u hanan lahaayeen.
Sida aan xogta ku heleyno madaxweynaha dalka Jabuuti oo lagu tilmaamo inuu yahay dullaal weyn ayaa wada qorshe dib loogu billaabayo in muran lagu geliyo badda Soomaaliya kaasoo laga dhaadhiciyay Xasan Sheekh balse mari doona maraaxil kala duwan.