Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu toogtay muwaadin u dhashay wadanka Kenya kaasoo ahaa fuundi wax dhisa.
Askari ka tirsan ciidamada DF ayaa muwaadinkan ku dilay xaafad u dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kadibna waa uu baxsaday sida ay sheegayaan saraakiisha DF.
Lama oga sababta ka dambeysa dilka, walow ay dadka qaar sheegayaan inuu muran dhex maray. Ninka la dilay ayaa waxaa meydkiisa loo qaaday xarunta CID.
Muqdisho waxaa jooga muwaadiniin badan oo aan muslimiin ahayn oo u dhashay wadanka Kenya kuwaasoo qaarkood ay macallimiin ka yihiin jaamacadaha.
Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay DF oo ku aadan dhacdadan dilka ah, magaalada Muqdisho waxaa joogto ka ah dilalka ay geystaan ciidamada DF, kuwaasoo inta badan dadka u dila lacago baad ah oo ay ka rabaan.