HomeAll newsKhasaaraha ka dhashey dagaal shalay ka dhacay Tuunis oo sii kordhay.

Khasaaraha ka dhashey dagaal shalay ka dhacay Tuunis oo sii kordhay.

373Iyadoo maalintii shalay oo isniin ahayd magaalada Banqardaan ee dhacda koonfurta dalka Tuunis ay marti gelisay dagaalkii ugu xooganaa oo fool ka fool ah oo dhexmara Ciidamada dowladda Tuunis iyo rag hubeysana ayaa waxaa warar kala duwan kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashey dagaalkaas.

Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsadya hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana soo gaarey illaa gelinkii dambe ee maalintii shalay ayaa waxaa ka dhashey khasaare lixaad leh oo la gaarsiiyey Ciidamada Amaanka Tuunis, halka warbaahitna dowladda Tuunis iyo madaxdoodaba ay baahinayaan warar kala duwan oo been abuur u muuqda.

Bayaan wadaa jir ah oo kasoo baxay wasaaradaha arimaha gudaha iyo Difaaca ee Tuunis ayaa lagu sheegay in dagaalkii shalay lagu dilay 36 katirsan kooxihii weerarka soo qaadya, halka ay gacanta ku dhigeen rag kale oo nool, waa sida hadalka loo dhigaye, waxaana dhanka kale wasaaradu ay qarin weysay khasaaraha Ciidankooda kasoo gaarey dagaalkaas xooga badnaa, iyagoona ku tilmaamay in Tobanaan Askari looga dilay dagaalkaas.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raga hubeysnaa ay u sheegeen iney katirsan yihiin dowladda Islaamiga ah, ayna weerarkan usoo qaadeen sidii ay kaga aargoosan lahaayeen Ciidamada Militeriga iyo kuwa Sirdoonka.

Ragga weerarka soo qaaday waxaa la sheegay iney aad u hubeysnaayeen, islamarkaana mustawahooda Caskariga uu aad u sareeyey, waxaana ay gacanta ku dhigeen Labo Baabuur oo mid kamid ah uu ahaa Gawaarida gurmadka deg dega ah ee Umbulucta.

Madaxweynaha Tuunis oo hadlay waxa uu weerarkan ku eedayay dagaalyahannada dowladda Islaamiga ah, isagoona sheegay iney doonayeen in Wilaayo iyaga taabacsan ay uga dhawaaqaan magaalada Banqardaan.

Waxaa illaa iyo hadda Xukuumadda Tuunis ay cadayn la’dahay halka ay ka yimaadeen Ciidankii shalay dagaalka adag ka galay magaalada Banqardaan, kuwaas oo si nabad geliya ahna ku laabtay, waxaana Warbaahinta dowladu ay baahineysaa warar kala duwan, qaar waxay leeyihiin waxay ahaayeen Ciidamo qarsoon oo magaalada ku dhuumaaleysanayay, halka kuwa kalana ay sheegayaan in Ciidankan ay kasoo tallaabeen xuduud beenaadka Liibiya iyo Tuunis.

Xalay waxaa magaalada iyo deegaanada ologa la ah lagu soo rogay Bandow, waxaana la arkayay Ciidamo katirsan kuwa Amaanka oo gaaf wareegaya xaafadaha ay ka koobantahay magaaladaas, kuwaas oo meelaha qaar ka geysanayay xad gudub ka dhan ah dadka Muslimiinta ah.

Dagaalkii shalay waxa uu daaha ka rogayaa in nooc cusub uu galay howlgallada Mujaahidiinta noocyadooda kala duwan ay ka fuliyaan dalka Tuunis, kuwaas oo markii hore ku koobnaa weerar qorsheysan oo Inqimaasi, halka kii shalay uu ahaa dagaal fool kafool ah islamarkaana loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Mana jiro illaa iyo hadda cid si rasmi ah u sheegatay dagaalkii shalay lagu qaaday magaalada Banqardaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular