Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qeybo kamdi ah gobolkaas uu ka dhacay dagaal xooggan uu u dhexeeyay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa DF.
Dagaalkan oo dhowr mar lagu jebiyay islamarkaana khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Mareykanku uu soo tababartay ee Baangaraaf ayaa si gaar ah wuxuu kaga dhacay degaanka Gariyaalle ee dhaca duleedka degmada Galcad ee wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud.
Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah dagaalka ayaa Baangaraaf looga gubay 2 gaari oo nuuca C/Bilaha ah kuwaasi oo ay qorya saarnaayeen, halka sidoo kalana ay Mujaahidiintu soo furteen gaari C/Bile ah oo qori saran yahay.
Wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalka lagu dilay askar badan oo ka tirsan ciidanka Mareykanku ku shaqeysto ee Baangaraafta loo yaqaano.
La soco wixii warar dheeraad ah ee ku soo kordha dagaalkaaan. Inshaa’Allah.