HomeAll newsAskari Katirsan Ciidamada Tuunis Oo Lagu Dhaawacay Weerar Mindiyeyn Ah.

Askari Katirsan Ciidamada Tuunis Oo Lagu Dhaawacay Weerar Mindiyeyn Ah.

Dalka Tuunis waxaa mar kale laga soo sheegayaa weerar lagu qaaday ciidamada ilaalada xeebaha ee dalkaas.

Weerarkaan oo Mindi loo adeegsaday ayaa lagu beegsaday, mid kamid ah ciidamada amniga sidoo kalena katirsan kuwa ilaalada xeebaha ee dalka Tuunis, waxa uuna si gaar ah kaga dhacay Magaalada caasimadda ah ee dalkaas.

Ruuxa weerarka geystay ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay, islamarkaana baaritaan uu ku socdo, iyadoona sidoo kale la weydiinayo waxyaaba ku kallifay fulinta weerarkaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Tuunis waxa ay bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay beegsiga askariga kamidka ah ciidamada ilaalada xeebaha ee dalkaas, kadib weerar mindiyeyn ah oo ka dhacay xaafadda Xalqul-Waadi ee caasimadda Tuunis, waana weerarkii 2-aad oo nuuciisa ah, kaas oo wax yar laba isbuuc lagu qaado ciidamada ammaanka ee dalkaas.

Wasaaraddu waxa ay intaa raacisay in ciidamada boliska ay si deg deg ah ku gaareen goobta, gacantana kusoo dhigeen ruuxii weerarka geystay, halka askarigii katirsanaa ciidamada ilaalada xeebaha oo dhaawac qabana la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo wax ka yar laba isbuuc uu weerar nuucaan oo kale ah uu ka dhacay gudaha dalka Tuunis, kaad oo lagu beegsaday mid kamid ah ciidamada ammaanka ee ku sugnaa nawaaxiga safaaradda Barazil ay ku leedahay dalka Tuunis, kaas oo ugu dambeyn u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarka Mindiyeynta ah.

Bishii May ee lasoo dhaafay ayay sidoo kale aheyd, markii ruux hubeysan uu weerar ku qaaday Macbad ay Yuhuuddu ku lahaayeen Jaziiradda Jirbah ee ku taalla koonfur bari ee dalka Tuunis, halkaas oo lagu dilay 4 ruuxoo kamid ah ay ahaayeen ciidamada boliska.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular