HomeAll newsKobo kutukade oo ka hadlay dilkii Abuukar Miiney iyo weerarkii daarunicma

Kobo kutukade oo ka hadlay dilkii Abuukar Miiney iyo weerarkii daarunicma

Waaliga Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Kobo kutukade ayaa si qota dheer uga hadlay Sarkaal la oran jiray Abuukar Miinay oo Dhawaan Dowladda Federaalka ah looga dilay Qarax ka dhacay Degaanka Daarucma oo Shabeelaha dhexe ka tirsan.

Sheekh Yuusuf Wuxuu Sheegay in Abuukar Miiney uu ku ka dambeeyay Dilka dad Muslimiin ah oo uu ka mid ahaa nin caan  ahaa Shabeelaha dhexe iyo dad Howlaha Caafimaadka ka shaqeeya oo sanado ka hor lagu dilay Degaanka Gololleey ee isla Gobolka ka tirsan.

Wuxuu sheegay in sadaxdii sano ee ugu dambeysay Xarakada Shabaabul Mujaahidiiin Abuukar Miiney ku raad joogtay aakhirkiina ay dishay.

wuxuu sheegay in lala dilay ninkaan Sarkaal kale oo Cabdi Markab la oran jiray waxaanuu labada nin ku sifeeyay in ay ahaayeen Furayaasha sharta.

Waaliga Shabeelaha dhexe wuxuu sidoo kale ka hadlay Weerar dilka Saraakiishaan ka hor Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka ku qaadeen Ciidamada Dowladda Federaala ah ee ku sugnaa Degaanka Daarucma waxaanuu xusay in durba ay carareen.

Waaliga waxa uu soo hadal qaaday Masaajid ay Ciidamadaan shisheeyaha wada shaqeynta la leh dhufeys ka dhigteen oo intii weerarku socday wax yeelo la gaarsiiyay asigoo arintaa ka hadalkeeda ku dheeraaday faah faahin badana ka bixiyay.

Halkaan ka dhegeyso Sheekh Yuusuf Kabakutukade Weeararkii Daarunicma

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular