Dalka Faransiiska oo kamid ah wadamada reer galbeedka, islamarkaana kaalmaha hore kaga jira la dagaalanka islaamka iyo Muslimiinta waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa xaalado cakiran, kadib markii boliska xukuumadda Paris ay toogteen wiil dhalinyaro ah oo kasoo jeeda dalka Al-Jeeriya.
Habeenkii 4-aad oo xiriir ah waxa uu Faransiisku marti galinayaa dibad baxyo waaweyn oo aan nuucooda oo kale horay usoo marin dalkaas muddo tobannaan sano ah. kuwaas oo ka dhashay dilka wiil dhalinyaro ah oo ay ciidamo ku toogteen xaafad katirsan Magaalada Paris ee caasimadda dalkaas, iyadoona lasoo warinayo in waxyeello kala duwan ay ka dhasheen dibad baxyada.
Muhaadaraadyadaan xooggan ee looga soo horjeedo dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa bar bar socda boob iyo gubidda xarumaha dowladda, dadka careysan ayaana la wareegay xarumo ay hub ku keydsanaayeen, arrinkaas oo sababay in xukuumaddu ay shaqaalaheeda ugu baaqdo iney ka hortagaan xaaladahaan ka soo cusboonaaday dalka, iyadoona muujisay walaacadeeda ku aaddan arrintaan.
Wariyayaal ku sugan Faransiiska, gaar ah magaalada caasimadda ah ee Paris ayaa soo tabinaya, in wali gudaha dalkaas ay ka soconayaan isku dhacyo xooggan oo u dhexeeya ciidamada boliska iyo dadka careysan, waxaana shalay oo Jimco aheyd ay iska hor imaadyo xooggan ay ka dhaceen Magaalada Marsiiliya oo ku taalla Koonfurta Faransiiska, taas oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen 2 kamid ah ciidamada boliska, iyadoona xabsiga la dhigay 80 kamid ah dadka dibad baxyada dhigayay.
Gudoomiyaha xukuumadda Paris ugu magacaaban magaalada oo warfidiyeennada la hadlay ayaa ku baaqay, in ciidamo dheeraad ah loosoo diro Magaalada, si ay uga qeyb qaataan xakameynta xaaladda faraha kasii baxeysa ee ka jirta halkaas, xilli muuqaallo lagu baahiyay baraha internetka ay muujinayaan qarxyo waaweyn oo ka dhacaya Mandiqadda lagu magacaabo dekadda qadiimiga ah, taas oo ay madaxdu sheegeen iney wadaan baaritaanno ku aaddan sababta ka dambeysa qaraxyadaas, iyagoona intaa ku daray iney aaminsan yihiin, in wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed ah aysan ka dhalan qaraxyada.
Waxaa lasoo sheegayaa in iska hor-imaadyo xooggan ay ka dhaceen magaalooyinka Lyon, Strasbourg iyo Nantes, xaafad katirsan magaalada Lyon ayaa waxaa sidoo kale ka dhacay iska rasaaseyn xooggan, taas oo ay madaxdu sheegeen in la baarayo waxa sababay, ciidamo dheeraad ahna ay geeyeen xaafaddaas.
Iska hor-imaadyada oo markii hore u muuqday kuwa iska yar ayaa dib ka xoogeystay, taas oo sabbatay in dowladda Faransiiska ay dadka u adeegsato wax waliba oo tabarteeda ah, si ay u hor itaagto dadka dibad baxyada dhigaya, balse taasi ma aysan dhicin, oo waxaa sii xoogeystay iska hor imaadyada tooska ah ee u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo gacmaha la iskula tagay,
Magaalada Lyon oo kale, ciidamada boliska ee xukuumadda Paris ayaa adeegsanaya, gaadiidka gaashaaman iyo diyaaradaha dagaalka, gaar ahaan kuwa helokobtrska ah, kuwaas oo isku dayaya iney xakameeyaan dadka careysan ee dibad baxyada ka dhigaya Magaalada, iyadoo sidoo kale dadkaan ay Magaalada Angers ee dhacda galbeedka Faransiiska ku gubeen tiro gaadiid ah.
Muuqaallada laga soo qaaday magaalada caasimadda ah ee Paris iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla dalka Faransiiska, islamarkaana ay dhibaatadu ka taagan tahay ayaa muujinaya, burbur baaxad leh oo soo gaaray xarumo dowladeed iyo kuwa ganacsi, waxaadna moodaa in goobto ay ku hardameen ciidamo iska soo horjeeda, kuwaas oo isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaa intaa dheer tiro gaadiid ah oo wadooyinka ku gubanaya, kuwaas oo iyana la moodo in miinooyin lagu qarxiyay.
Boob iyo bililiqo baahsan ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla dalka Faransiiska, kuwaas oo ay kamid yihiin Paris iyo Strasbourg, waxaana si gaar ah loo beegsanayay xarumaha dowladda iyo goobaha ganacsi ee ku yaalla magaalooyinkaas, inkastoo ay xukuumaddu ciidamo badan soo dhoobtay caasimadda iyo magaaladaan kale, haddana kuma guuleysan iney ka hortagaan boobka halkaasi ka socda.
Muhaadaraadyaan ayaa yimid kadib dilka wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Naa’il oo 17 jir ah, kana soo jeeda dalka Al-Jeeriya, kaaso oo ay ciidamada boliska rasaas kula fureen xaafadda Nanterre oo dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska, dilkaas ayaa sidoo kale sababay in boliska xukuumadda lagu eedeeyo cunsurinimo.
Maalintii shalay oo kaliya, waxaa xaafado dhowr ah oo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska laga soo tabinayay isku dhacyo xooggan, kacdoon wadayaasha ayaa dab qabad siiyay dhismayaal ay xukuumaddu leedahay iyo tiro gaadiid ah, taas oo mar kale dowladda Faransiiska ku qasabtay iney ciidamo dheeri ah keento magaalada, kuwaas oo aan waxba soo kordhin.
Xaafadda ay bolisku ku dileen wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa sidoo kale kasoo cusbnaaday mudaaharaadyo hor leh oo ay dhigayaan dad careysan, ciidamada ammaanka ayaana adeegsanaya gaadiidka gaashaaman, si ay ukala ceyriyaan dadka isku soo baxyada dhigaya.
Arrinta xaaladda sii cakirineysa ayaa ah, iyadoo dadkaan careysan ay jabsadeen xarumo hubka lagu keydiyo oo ku yaalla gudaha Faransiiska, taas oo sababtay iney u adeegsadaan iska caabinta ciidamada boliska, arrinkaas oo gabi ahaanba fashiliyay isku day waliba oo ay dowladdu ku dooneysay iney ku qamciso bulshada.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in badi hubka ay la wareegeen dadka rayidka ah ay yihiin kuwa aan rasaas ku jirin, hadalkaas oo u muuqda mid ay xukuumadda Paris ku dooneyso iney xaaladda ku dajiso, bolisku waxa ay sheegayaan, iney gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo hub wata, kuwaas oo loo badinayo iney kasoo dhaceen xarun hubka lagu iibiyo oo ku taaalla gudaha dalkaas.
Madaxwerynaha Faransiiska Emmanual Macron oo shir gudoominayay, kulan deg deg ah oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin katirsan waaxda arrimaha gudaha ee dalkaas kana dhacay xarunta wasaaradda, kadib markii uu hakiyay ka qeyb galka shir ay yeelanayeen dowladaha reer Yurub oo ka dhacaya Bijimka ayaa ku goodiyay, iney si adag kaga hortagi doonaan dadka ku kacaya falalka boobka ah, ama duullaan kusoo qaad xarumaha dowladda.
Iyadoo ay isku dhacyadu socdaan habeenkii 4-aad oo xiriir ah, ayay haddana xukuumadda Paris ku madax adeegeysaa iney ka guuleysan doonto dadka rayidka ah, Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in dowladdu ay ka guuleysan doonto dadka kicinaya shucuurka bulshada islamarkaana hurinaya falalka cunfiga ah.
Shir jiraa’id oo uu uga hadlayay arrintaan ayuu ku sheegay, in woqooyiga Paris oo kaliya laga qabtbtay 471 ruux, kuwaas oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Boliska, taas oo tirada guud ee dadka la xiray guud ahaan Faransiiska ka dhigeysa 1300 oo ruux.
Darmanin waxa uu sidoo kale sheegay, in 45 kun oo kamid ah ciidamada boliska lagu soo daadin doono magaalooyinka dalkaas oo ay ugu horreyso magaalada caasimadda ah ee Paris, si ay uga qeyb qaataan dadaallada looga hortagayo rabshadaha.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku dhiftay, in ugu yaraan 24 kamid ah ciidamada boliska ay ku dhaawacmeen iska hor-imaadyada, isagoo u muuqday mid dajinaya carada dadka ayuuna xusay, in gacanta lagu dhigay askariga dilka geystay, baaritaanna lagu wado.
Balse war goor dambe kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Faransiiska ayaa lagu sheegay, in iska hor-imaadyadii dhacay xalay oo kaliya lagu dhaawacay 79 kamid ah ciidamada boliska, lana weeraray in ka badan 40 xarumood oo ay leeyihiin ciidamada boliska.
Dadka dibad baxdyada dhigaya ayaa dhankooda ku doodaya, in falalka ay sameynayaan ciidamada Boliska ay yihiin kuwa aan marnaba la aqbali karin marar badanna soo noq noqday, kuwaas oo ugu dambeyn keenay iney dhalinyaradu kacaan.
Dowladda Faransiiska ayaa wajaheysa xaalad adag, waxa ay xukuumaddu soo saartay dalab ku wajahan dhammaan xubnaha wasiirrada, kuwaas oo lagu war galiyay ineysan ka bixin magaalada caasimadda ah, inta lagu guda jiro dhammaadka waxa loogu yeero isbuuca fasaxa.
Dibad baxyada ayaa si tartiib tartiib ah ugu fidiya guud ahaan Magaalooyinka waaweyn ee Faransiiska, waxa ayna mudaaharaadyadaan isku badaleen azmadii ugu weyneed ee uu wajaho Emmanual Macron madaxweynaha dalkaas mudada uu xilka hayo, tan iyo wixii ka dambeeyay dibadyadii dalkaasi ka dhacay sannadkii 2018-ka.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Faransiiska oo ay xaalad cakiran ka taagan tahay.