Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa ka hadlay duqeymaha Kenya ay ku muujineysay Cadawtooyada ay Muslimiinta u qabto ee ay ka geysatay Magaalooyinka Saakow, Salagle iyo Jilib.
Asigoo u waramayay Idaacadda ku hadasha Afka Xarakada Shabababaabul Mujaahidiin ee Al andalus ayuu sheegay in Kenya duqeysay Goobo ganacsi iyo guryo dad shacab degan yihiin qaarkoodna ay ku shahiideen kuwana ku dhaawacmeen,
wuxuu si gaar ah u soo hadal qaaday Salagle oo laba dumar ah kenya ku dishay kuwa kalena ku dhaawacyaday iyo saakow oo haweeney ka mid ahayd dhowr qof oo dhaawacmay dib ka geeriyootay.
Sheekh Abuu Cabdalla waxa uu sheegay in Kenya naceybkeeda iyo xasuuqa ay Muslimiinta ku hayso uu soo jireen yahay asigoo tusaale u soo qaatay xasuuqyadii Gaarisa iyo Wagaala ka dhacay kun sagaal boqol iyo sideetamaadkii xiligaasoo kenya ay xasuuqday kumanaan Soomaali ah.
Waaliga Jubbooyinka ayaa ku baaqay in loo gurmado dadkii eheladoodu ku shahiiday duqeymaha Kenya geysatay iyo kuwii ku dhaawacmay iyo kuwii ku hanti beelay.
Sheekh Abuu Cabdalla waxa uu Muslimiinta ku booriyay in Shisheeyaha la aska dhacsho asigoo yiri “Gaalo luuqad aan xabad iyo dagaal ahayn ma fahanto mana taqaan”