Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa habeenkii sadaxaad duqeymo xiriir ah ka geystay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee dalka Soomaaliya, iyagoo dhammaan weeraradooda ku beegsaday shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo shacab iska hurda guryahooda.
Duqeymihii ugu dambeeyay waxay habeenkii xalay ka geysteen degmooyinka Saakow iyo Salagle ee wilaayada Jubbooyinka abaaro saacaddu markey ahayd 10:00 habeenimo (afar saac) xilligaasoo dadku intiisa badan ay jiifteen.
Sida uu soo sheegayo wariye Maxamad Cali oo ka tirsan warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxay duqeyntii ugu horreysay ka dhacday degmada Salagle, waxaana ku nafwaayay Hooyo iyo Gabadheeda, halka ay ku dhaawacmeen 2 caruur ah.
Hooyada iyogabadheeda ayaa lagu wadaa in la aaso xilliyada dhow ee soo aadan, sidoo kale waxaa isbitalka la dhigay caruurtii ku dhaawacantay weerarkaas dhanka cirka ah.
Wariyuhu wuxuu intaasi ku darayaa iney burbureen dhammaan guryihii ay duqeymuhu ku dhaceen oo ah kuwa ka sameysan jiingado iyo dhis (cariish).
Dhanka kale diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa duqeymo noocan ah ka geysteen degmada Saakow habeenkii xalay iyagoo gantaallo ku garaacay xaafadaha rayidka.
Inta la hubo waxaa ku dhaawacmay qof haweeney ah, sidoo kale waxay dhulka la simeen xarunta shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee degmada Saako oo ahayd xarun weyn.
Habeen hore ayay ahayd markii ay sidan oo kale u duqeeyeen degmadan iyagoo ku dhaawacay 1 ruux, kuna burburiyay 4 guri oo shacabku daggan yihiin.
Diyaaradahan ayaa shalay duqeymo kale ka geystay degaano u dhow magaalada Kismaayo oo lagu kala magacaabo Santaara iyo Baqdaad, illaa iyo hadda khasaare nafeed lagama soo warin waxaase ku burburay guryo iyo goobo ganacsi.
Laba habeen ka hor ayay ahayd markii ay sidan oo kale u duqeeyeen degmada Jilib ee wilaayada Jubbooyinka halkaasoo ay ku burburiyeen labo guri kuna dhaawaceen 1 qof.
Halkan waxaan idiinkugu soo gudbineynaa sawirrada duqeymahii xalay ee degmada saakow, duqeymaha Salagle-na saacadaha soo socda ayaan idiin soo baahin doonnaa insha’allah.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA DUQEYMAHA SAAKOW EE XALAY