HomeAll newsDhageyso: Itoobiya Oo Sii Wada Burburinta Masaajidda Muslimiinta, & Dibadbaxyo Wali Ka...

Dhageyso: Itoobiya Oo Sii Wada Burburinta Masaajidda Muslimiinta, & Dibadbaxyo Wali Ka Socda Dalkaas.(Warbixin)

Jimcihii labaad oo xiriir ah waxaa dalka Itoobiya ka soconaya dibad baxyo xooggan oo looga soo horjeedo qorshe ay dowladda Xabashida Itoobiya ku bur burineyso masaajidda ku yaalla gudaha dalkaas, si gaar ah gobalka Oromiya.

Dibad baxyada ayaa waxay ka socdaan degaanno badan oo ku yaalla dalka Itoobiya, Masjidka Anwaar ee ku yaalla Magaalada caasimadda ah ee Adis Ababa, todobaadkii lasoo dhaafayna nawaaxigiisa lagu dilay tiro dad ah oo dibad baxyo dhigayay, ayaa haddana waxay Muslimiintu mar kale maalintii shalay halkaasi ka dhigeen mudaaharaadyo xooggan.

Ciidamada dowladda Xabashida Itoobiya ayaa mar kale waxay isku dhacyo la galeen dadka Muslimiinta ah ee dhigaya dibad baxyada, waxaana lasoo sheegayaa, in ciidanka gaalada ah ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen dadka Muslimiinta ah.

Dowladda Xabashida Itoobiya gaar ahaan maamulkeeda gobalka Oromiya ayaa horraan waxay u sheegeen in masaajidda la bur buriyay ay yihiin kuwa sharci darro ku dhisnaa, islamarkaana aan ku koobneen shagar oo kaliya, balse ay sidoo kale ka fuln doonaan guud ahaan gobalka Oromiya.

War-Saxaafadeed uu soo saaray maamulka Oromiya ayaa lagu sheegay, in qorshaha ay qaadatay dowladda Xabashida Itoobiya uu yahay mid sax ah, iyagoo kusii indha adeegaya duminta masaajidda muslimiinta, waxaana ay war-saxaafadeedkaas ku sheegeen in wax ka badan 600 oo goobood oo dumin usoo baxday ay bur burin doonaan, taas oo macnaheedu yahay, 20 majid oo la dumiyay waxba maahane boqallaal kale ayaa diiradda noo saaran, oo aan dhawaan bur burin doonnaa.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Dowladda Xabashidaa Itoobiya oo sii wada duminta Masaajidda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular