Magaalada Buulomareer ee wilaayada Shabeelaha Hoose ayaa deggan maalinkii 4aad halkaasoo ay Jimcihii lasoo dhaafay la wareegeen milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Magaalada ayaa waxaa shalay iyo dorraad saameeyay madaafiic aargoosi ah oo ay ciidanka Uganda kasoo ridayeen degaanka Golweyn oo qiyaastii 5km u jira Buulomareer.
Wariye Maxamad Daahir Calasow oo ku sugan magaalada ayaa waxa uu soo sheegayaa in maanta ay xaaladdu deggan tahay, ammaanka ay gacanta ku hayaan ciidanka maamulka wilaayada islaamiga ah.
Horumarkii iyo ganacsigii ay caanka ku ahayd Buulomareer ayaa dhulka galay mudadii ay ciidamada shisheeye heysteen, waxayna dadweynuhu hadda muujinayeen ififaalo wanaagsan mar haddii ajaanibtii laga sifeeyay baladka.